Soomaali xil sare ka hayey Daacish oo is dhiibay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Alanba ee ka soo baxa dalka Kuwayt ayaa qoray in Xubin sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Daacish uu isku dhiibay Ciidamada amaanka dalka Kuwait.

Wargeyska oo xiganaaya General Abdifatah Al-Ali oo ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Kuweyt, ayaa sheegay in ruuxa la qabtay uu yahay mid u dhashay dalka Somalia islamarkaana is dhiibida ay tahay mid uu maankiisa kasoo maagay.

General Abdifatah, ayaa wargeyska u xaqiijiyay in Ruuxaasi uu sheegay inuu kamid ahaa Taliyayaasha Maleeshiyaadka Daacish islamarkaana uu xil sare u hayay, waxa uuna tilmaamay inuu iska dhiibay Saldhigga Boliska ee Sabahiya.

General Abdifatah waxa uu sheegay in shaqsigaasi uu kasoo shaqeeyay goobo farabadan goortii uu soo gaaray dalka Kuwait uu ku dhiiraday inuu xiriir la sameeyo Hay’adaha amaanka sidaana loogu xiray Saldhiga.

Sidoo kale, Generaalka waxa uu sheegay in ninka Soomaaliga oo 26 jir ah, kuna nool Degmadda Sabahiya, Block 4 sheegay inuu ku biiray Kooxda Daacish, kana hayo Xil Sare, waa sida laga soo xigtay.

Dhanka kale, Hay’adaha amaanka dalkaasi ayaa diiday inay shaaciyaan magaca ruuxaasi, balse waxa uu wargeysku sheegay in shaqsigaasi uu isticmaalo cinwaanka Twitterka ee @aaajihaadi11.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com