Qarax dhimasho badan dhaliyey oo ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi qarax khasaaro kala duwan geystay lagula eegtay kolonyo gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamada DF Somalia.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid wadada lagu sii diyaariyay islamarkaana uu geystay Khasaaro lixaad leh oo gaaray Ciidamada waxa ayna sidoo kale xaqiijiyeen in Qaraxa uu ka dhacay Bartamaha magaalada.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku naf waayay Ciidamo Militeri ka kooban 5, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 4.

Xiliga Qaraxa lala eeganaayay Ciidamadaasi ayaa la sheegayaa in Magaalada Marko ay booqasho ku joogen Wafdi uu Hogaaminaayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia oo ay wehlinayeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsanaa DF Somalia.

Booqashada Mas’uuliyiintaasi ka sokoow ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowlada ee Magaalada Marka ee ku aadan Qaraxii maanta Ciidamo ka tirsan DFS lagula eegtay Degamada Marka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com