Xog: Farmaajo oo kala jabiyay xildhibaanadii kursi doonka ahaa (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kala jabshay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee doonaayay inay kamid noqdaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu kullan gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka isagoo ku kala jabshay aragtidii aheyd in qaarkood lagu biiriyo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xildhibaanada qaar ayaa Madaxweynaha Somalia ku taageeray in ilaa Seddex Xildhibaan lagu darro Golaha, halka qaarna ay ka biya diideen isla markaana soo jeediyeen in Xildhibaanada lagu daraayo Golaha la gaarsiiyo ilaa 8 Xildhibaan oo miisaan leh.

Xildhibaanada dalbaday in la kordhiyo tirada uga midnoqoneyso Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka dalbaday inuu dib ula laabto 3 Kursi ee Xildhibaanada laga siinaayo Golaha haddii aan la kordhineynin cadadka ay ku yeelanayaan Golaha.

Xildhibaanada Kursi doonka ayaa Madaxweynaha u sheegay inaanu khiimo u laheyn 3 Kursi sidaa darteed ay iyagu noqonayaan kuwo ku sabra wakhtiga isla markaana dib ula laabta Hamigooda ku aadan helida Kuraasbadan maadaama Xildhibaanada Golaha lagu daraayo ay yihiin kuwo kalsooni ka heysta reerkooda.

Sidoo kale, Xildhibaanada kale ee goobta ku sugnaa ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inaan la kordhin cadadka Xildhibaanada ku biiraaya Golaha, iyagoo sabab ka dhigay inay adag tahay in lala xisaabtamo Wasiir ka tirsan Baarlamaanka.

Waxa ay dhankooda kasoo jeediyeen inaan la dhibin Madaxweynaha isla markaana ay mudan tahay in Xildhibaanada ay qaatan go’aan dhammaantooda looga mamnuucaayo kamid noqoshada Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhex maquuraaya Jahwareer Siyaasadeed waxa uuna dhexda ugu jiraa Xildhibaano, Odayaal dhaqmeed, Siyaasiyiin iyo Ganacsato xil doon ah.

Lama saadaalinkaro halka uu ku biyo shuban doono Go’aanka Madaxweynaha maadaama uu xaalku yahay mid marba marka xigta kasii daraaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com