XOG: JAWAARI oo arrimo yaab leh lasoo baxay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu halkaas uu ka jiro buuq iyo is afgarasho ka dhashay mooshinka xil ka qaadista ee dhawaan laga geeyay  madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga dareemayaa in uu iska meer meerinaayo gudbinta mooshinka isagoo marmarsiiyo ka dhiganayo wada tashi ayaan wadaa.

Qaar ka mid Xildhibaanada oo aay la xiriirtay Caasimadda Online ayaa walaac ka muujiyay in uu rabo guddoomiyaha in uu xiisad dagaal ka dhex abuuro baarlamaanka dhexdiisa, isagoo si cad ugu tumanaayo sharciga sida uu yahay.

JawariWaxaa aay ahayd in 16-ka bishan Ogosto in uu u gudbiyo Mooshinka Maxkamadda Sare sida ku cad sharciga iyo dastuurka dalka.

Xildhibaano badan ayaa qaba in haddii uu Guddoomiyaha uu isku dayo in uu carqaladeeyo mooshinka uu kala kulmi doono caqabada badan, oo waxaa aay xildhibaanada sheegeen in aay guddoomiya ka joojin doonaan in uu shir guddoomiyo baarlamaanka sida sharciga ku cad, waa haddii uu howsha loo igmaday uu u qaban waayo sida sharciga farayo.

DOLLAR copyWaxaa aay ahayd in kama danbeyn maanta uu u gudbiyo mooshinka maxkamadda sare si aay u soo eegto sharciyada mooshinka dibna ugu soo celiso Baarlamaanka oo cod iyo dood diyaar ula ah mooshinkan.

Waxaa usbuucan dhexdiisa aad ugu soo laabanaya dalka xildhibaano in muddo ahba waddanka ka maqnaa iyagoo isu diyaaraniyo in aay ka qeyb qaataan sidii loo soo af jari lahaa xiisadda siyaasadeed.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com