Xog: Imaaraadka Carabta oo la wareegtay garoonka Boosaaso iyo hogaanka PISA

Boosaaso (Caasimadda Online) – Khilaafkii u dhexeeyay imaaraadka Carabta iyo Puntland ayaa u muuqda mid la xaliyay kadib markii Puntland ay ogolaatay inay fuliso dalabyo ay wadatay Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadka ay ballan-qaadeen mashaariic dhowr ah.

Waxyaabaha Imaaaraadka Carabta ku guuleysteen waxaa ka mid ah in sarkaal ay aad isugu dhow yihiin loo magacaabo Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Jeyte, waana xubin firfricoon oo aad ugu dhow sirdoonka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Dikreetko ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Mukhtaar Jeyte loogu magacaabay agaasimaha nabad sugida 20-kii bishaan, iyada oo la shaaciyay 22-kii bisha, taas oo kalsooni gelisay Imaaraadka.

Puntland ayaa sidoo kale ogolaatay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo maamulkiisa iyo amaankiisa shirkad ay mas’uul ka yihiin Imaaraadka Carabta, ayada oo Imaaraadkana ay maal-gelinayaan mashruuc lagu ballaarinayo garoonkaas.

Magaalada Boosaaso, waxaa ku sugnaa labadii Berri ee u dambeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo daba joogay fulinta dhammaan qodobada ay daneynayaan.

Xubno ka soo jeeda qoyska Madaxweyne Deni oo lagu kala magacaabo Xasan Deni, Mahad Deni iyo Cabdi Rabi ayaa si weyn gadaal uga riixaya fullinta qorshaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay Puntland.

Imaaraadka Carabta ayaa faragelin toos ah ku heyso Soomaaliya, waxayna heshiisyo aan sharci aheyn la gashaa Maamul Goboleedyada iyadoo aysan ka war heyn Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com