Xog: Imaaraadka oo joojiyay sharciyada ay Soomaalida ku heysteen dalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegaya in dalkaasi uu hakiyay dhammaan howlihii kala dhexeeyay Soomaalida musaafirka ah.

Dowlada Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay inay hakisay in Fiisaha dal ku galka ah ay siiso Soomaalida dooneysa inay u socdaasho dalka Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa talaabadan qaaday kadib markii dowlada Somalia ay meel fog gaarsiisay xiriirka kala dhexeeyay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Dowladu waxa ay sidoo kale joojisay sharciga dal ku jooga ee loo yaqaan ‘’Iqaamada’’, iyadoo shaqsiga Soomaaliga ah ee uu ka dhaco dib loogu soo celin doono dalkiisa.

Dowlada Imaaraadka ayaa ilaa iyo amar danbe mamnuucday adeegyada Soomaalida sida Fiisaha, Sharciga dal ku jooga, taa oo saameyn weyn ku yeelan doonta Soomaalida ku nool dalkaas.

Dowlada Imaaraadka ayaa aad uga carootay go’aanada ay Dowlada Somalia ka qaadaneyso Siyaasada Imaaraadka, waxaana meesha kasii baxaaya isku soo dhawaanshiyaha labada dal.

Dowlada Somalia ayaan weli ka jawaab celin talaabada ay Dowlada Imaaraadka carabta ku hakisay dhammaan howlihii sharci oo ay u sameyn tirta Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa cirka isku shareertay kadib markii Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee NISA ayaa 8-dii bishan Garoonka Diyaaradaha ku qabteen lacag dhan 9.6 Milyan oo Saddex Boorso ku jirtay, taasi oo dalka keentay Diyaarad ay leedahay Imaaraadk Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com