Khubaro caafimaad oo ka digay in maalin walba la qubeysto 

Qubeyska maalin walbo ah waxa uu dadka u keeni karaa Infekshin iyo cuduro ku dhaca qofka , sida Khabiiryahada ay sheegeen, iyadoo dadku inta badan aaminsanyihiin in maalin walba oo la qubeystaa ay tahay arin fiican oo la isku nadiifiyo.

Waxaa iska caadi ah iney si joogta ah u qubeystaan dadka haya shaqooyinka adag ama ku nool wadamada ay kuleyluhu ku badan yihiin, arrinku xiriir lama laha shiirka jirka ee uu keeno dhididka, sida uu sheegay Dr Elaine Larson oo ku takhasusay cudarada Infekshinka sababa waxaana uu Bare ka yahay jaamacadda Columbia University.

In si joogto ah maalin kasta Shaawarka loo aado waxa ay dhibaato u keeni karto maqaarka  sare ee jirka oo ay furayso duleelada Maqaarka oo jeermisku ku faafayo, jirkuna waxa uu noqonayaa mid qalalan, arrinkaas oo daciifinaya nidaamka difaaca jirka, qubeyska joogtada ahna waxa uu yareeyaa saliidaha dabiiciga ah ee jirka uu leeyahay.

Waxa uu intaa ku daray in dadka qaar ay u qabeestaan si ay ugu bogsadaan xanuun hayo laakiin sida dhabta ah ayaa noqtay in kaliya jirka laga meyray wixii udug ama caraf ahaa oo aan loo baahneen.

Daraasadda oo ay soo saareen Dhaqaatiirtan waxeey  dadka kula talinayaan in isbuucii hal ama labo jeer oo kaliya la qubeysto si jirku u nabad galo caafimaadkaagana aad u ilaashato, waxaase ay ogolaadeen in maalin kasta biyo la isku shubi karo oo la qubeysan karo iyadoo wax shaampoo ah aan la adeegsan ama saabuun.

Dr Mitchell ayaa wargeyska Dailymail ee ka soobaxa dalka Britian u sheegay “jirkaaga waxa uu leeyahay dareeri dabiici ah, waxaan u maleynaa inaadan u baahneyn qabees badan”

Dadka ayuu ugu baaqay kaliya in ay qabeeska yareeyaan bale ay qabeystaan marka uu maqaarkoodu caafimaad qabo islamarkaana uu qalalanyahay.

Dr Larson ayaa dhankiisa sheegay in dadka diiradda saaraan sidii ay marwalba u nadiifin lahaayeen gacmahooda iyo dharkooda si ay hoos ugu dhigaan caafimaad darro ku dhacda.

Dadka reer galbeedka ayaa lagu sheegay in inta badan ay nadiif yihiin waxaana midaasi ugu wacan  in dadkooda inta badan isticmaalaan maandooriyaha.

Laakiin dhaqaatiirtan ma aysan ka hadlin sida dadka ay u qabeestaan hadda oo ah maalintii ugu yaraan labo jeer ah.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: dailymail.co.uk