Daawo:- DFS oo beenisay Heshiiska Berbera uu Imaaraadku sheegay Inay la galeen Dowladii Hore ee Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay haddal kasoo yeeray Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, kaa oo ahaa in Dowlada Imaaraadka ay dowladii hore ee Somalia ay Heshiis kala galeen arrimaha Dekadda Berbera.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaara uu maanta siiyay Horn Cable Tv, ayaa beeniyay in dowladii hore ee Somalia ay Heshiis arrimaha Berbera la gashay dowlada Imaaraadka Carabta.

Waxa uu Wasiirku sheegay inaanu jirin Heshiis ku saabsan arrinta Dekadda Berbera oo dhexmaray Imaaraadka iyo Dowladii hore ee Somalia, waxa uuna cadeeyay inay far ku godan tahay hadalkii kasoo yeeray Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta.

Waxa uu Wasiirku sheegay in ilaa iyo hadda aysan dowladu helin cadeyn muujineysa in Dowladii hore ee Somalia ay Heshiiska Berbera la gashay dowlada Imaaraadka, balse waxa uu tilmaamay inuu ahaa Isfahan oo kaliye.

Nuqul kamid ah wareysiga uu siiyay Horn Cable Tv ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Maya maya xukuumadda Somalia ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay in uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay”

‘’Heshiis iyo Isfahan wuu kala duwan yahay, Isfahanka waxa uu noqonkaraa laba qof oo sheekeysta oo isla arkay in arrinta laga sheekeystay ay macquul tahay’’

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalia Axmed Ciise Cawad, waxa uu si cad u beeniyay in dowladii hore ee Somalia ay Heshiis la gashay Dowlada Imaaraadka Carabta.