30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog: Imaaraadka oo kala furfureysa qorshihii uu dhigay Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa bilowday faragalin toos ah, kadib markii ay kusoo baraarugtay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu dib u xiriirinaayo Hogaamiyayaasha Gobolada dalka.

Imaaraadka oo taa ka duulaya ayaa waxa uu dajiyay qorsho ka duwan kii hore oo lagu sii kala fogeynaayo Xassan iyo Hogaamiyayaasha waxa uuna arrintaani u adeegsanayaa xubno ka tirsan isla maamulada.

Qorshaha cusub ee Imaaraadka uu kula dagaalamayo Xassan Sheekh ayaa waxaa kamid ah in xiriir toosa uu la sameeyo Xildhibaanada cusub ee sida hordhaca ah loo doortay.

Imaaraadka ayaa isku dayaaya inuu ka talaabto Hogaamiyayaasha isla markaana uu xiriir toos ah la furo Xildhibaanada kuwaasi oo qaar kamid ah lagu marti galiyo Safaarada ay Imaaraadka ku leedahay magaalada Muqdisho.

Dowlada Imaaraadka ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay ciribtirka Xassan Sheekh iyo Dowladiisa, iyadoo dhammaan howlahaasi u adeegsanaaya dhaqaale aad u xoogan oo kala fogeyn kara inta isku fekerka ah.

Faragalintaani uu Imaaraadka ku hayo Doorashada Somalia, ayaa saameyn ku yeelatay Madaxweyne Xassan oo aan wali khuusan.

Si kastaba ha ahaatee, Xassan qudhiisu weli kama quusan dadaalkiisa, waxaana iminka arrimahaani is biirsaday laga dareemayaan Xarumaha Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News