Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa la xaqiijiyay in xiriirka ay u gaabisay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud tan iyo markii uu Madaxweynuhu socdaal maalmo qaatay ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI.
Xiriirka Masar ee gaabiska ku imaaday ayaa waxaa sabab u ah calaaqada sii xumaaneysa ee wadankaasi kala dhexeysa Ethiopia, waxa ayna taasi horseeday in xiriir xumidaasi ay saameyn ku yeelato Madaxweynaha Somalia oo xiriir dhow la xirtay Ethiopia.
Dowlada Masar oo ballanqaad dhanka ololaha ah u sameysay Madaxweynaha hadda xilka haya ee Xassan Sheekh, ayaa waxaa hadana la soo warinayaa in Masar ay dib ula laabatay ballanqaadka.
Ballanqaadka Masar ayaa ahaa in Madaxweyne Xassan oo hadda ah Musharax ay ka saacidi doonto dhanka dhaqaalaha, balse xiriirka uu la xirtay Ethiopia darteed uu ku waayay garabka Masar.
Dowlada Masar ayaa kamid aheyd dowladaha ballanqaadka u sameeyay Madaxweyne Xassan, waxaana xusid mudan in wakhtigaasi uusan wanaagsaneyn xiriirka Xassan Sheekh kala dhexeeya Ethiopia.
Calaaqada ka dhexeysa Dowladaha Masar iyo Ethiopia ayaa iminka gaarsiisan heerkii ugu xumaa, waxa ayna taasi galaafatay Rajadii Xassan Sheekh.
Ma cadda sababta ay Dowlada Masar isugu qabatay Xassan Sheekh iyo Ethiopia, waxaana soo shaac baxaaya warar sheegaya in Masar ay cabsi ka qabto in loo soo adeegsado Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

