24 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

Xog: Isbaheysiga Xasan Sh., Shariif iyo Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan sidaa loo shaacin oo aan ka heleyno ilo wareed ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ee Somalia ay kaalin weyn ka qaadan doonaan doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Madaxweyne Shariif Xassan iyo C/kariin Gulleed, ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh ka taageeri doona qaababka ugu sahlan ee suuragalin kara in mar kale uu kusoo laabto xilka madaxtinimo ee Somalia iyada oo loo mari doono sharciyada iyo Heshiiskii laba maalin un ka hor laga soo saaray shirka madasha Qaran.

Madaxweyne Shariif Xassan iyo Gulleed oo Siyaasad ahaan aad ugu dhow Xassan Sheekh, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay u guda galaan dhaba u xaarida hanaanka doorasho ee suuragalinkara in Xassan Sheekh uu dib ula midoobo Kursiga Qaran oo hadda gabogabo ka ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa miisaan dhaqaale iyo mid Siyaasadeedba ku bixiyay in Shariif Xassan iyo C/kariin Gulleed ay noqdaan Madaxweyne heer Goboleed, waxaana xusid mudan in labada maamul la aqoonsaday xili ay DFS ka caga jiideyso Siyaasada lagu dhisay maamulka Jubbaland.

Si dhab ah looma xaqiijin karo guulaha Xassan Sheekh uu ka gaari doono doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia, inkastoo Xassan Sheekh uu shaki yar ka qabo Siyaasada qarsoon ee Shariif Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News