Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa kashiftay dhaqaalo badan oo loogu talo galay qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaasi oo la doonayo iney dagaan deegaanada Jubbaland.
Dowlada Kenya waxay sheegtay in dhaqalahaasi lagu wareejiyay maamulka Jubbaland, maadaama horey loo dajiyay in qaxootiga laga celinayo dalka Kenya la dajiyaan deegaano Jubbaland ka tirsan.
Wasiirka arimaha gudaha dowlada Kenya Joseph Nkairssery ayaa sheegtay in qaxootiga ay rajeynayeen iney dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya, laakiin ururada ka shaqeynayay dib usoo celinta dadkaasi ay awoodi waayeen dadaalka dib dadkaasi loogu soo celinayo.
“Dagaalo badan ayaa halkaasi kajira, qaxootigana waxay rajeynayaan iney dib ugu laabtaan dalkooda, laakiin NGO-yada ma doonayaan in qaxootiga la celiyo maxaa yeelay waxay xiiseynayaan in dhaqaalo ay ka sameeyaan dib u celinta dadka”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Kenya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegau in Qaramada Midoobay iyo hayadao kale diyaariyeen 10.5 Bilyan oo lacagta Kenya ah si dhismooyin loogu sameeyo qaxootigaasi oo la geeynayo deegaanada Jubbaland.
“Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ayaa isla meel dhigay 10.5 Bilyan oo Kenya Money ah si loogu dhiso hooy iyo waxyaabo kale qaxootiga gaaraya 50,000 oo ruux meel ku dhow Raaskaambooni”ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

