Xog laga helay amiiradii la xiray ee Sacuudi Carabiya iyo hal arrin oo loo ogolaaday

Riyadh (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan warbaahinada reer Galbeedka ayaa daaha ka qaaday xog cusub oo laga helay Amiiradii ay xirtay boqortooyada Sacuudiga maalmo ka hor, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan sababa keenay xarigooda.

Wargeyska Washington Post oo la hadlay qaar ka tirsan qoysaska ay kasoo jeedaan Amiirada la xiray ayaa sheegtay in loo ogolaaday inay la xiriiraan qoysaskooda iyo ilmahooda. Waa markii ugu horeysay ee loo ogolaado inay xiriir la sameeyaan qoysaskooda tan iyo markii la xiray Jimcadii lasoo dhaafay.

Wargeyska oo sidoo kale soo xiganaya qoysaskaas ayaa qoray in Amiirada la xiray ay u sheegeen qoysaskooda inay ku xiran yihiin guryo si gaar ah loo leeyahay, isla markaana aysan ku xirneyn xabsiyada dadweynaha, taasi oo mar kale dadka soo xasuusineyso Amiiradii iyo Ganacsatadii la xiray sanadkii 2017, kuwaas oo lagu xiray Hotelka The Ritz-Carlton oo ku yaal magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga.

Wargayska Washington Post oo soo xiganaya ilahaas qarsoon ayaa sheegay in Amiir Ahmed Bin Abdulaziz oo ah walaalka la dhashay boqor Salman Bin Abdulaziz iyo amiir kale oo ka tirsan maxaabista ugu caansan ee la xiray ay qoysaskooda ka codsadeen in loo keeno dharka “Bisht” oo ah dharka caadada u ah inay xirtaan Amiirada Sacuudiga marka ay yeelanayaan kulamada, waxayna taasi muujineysaa suurtagalnimada inay kasoo hor muuqdaan shacabka inkastoo si qasab ah loo xiray.

Washington Post ayaa qoray in xiritaanka ilaa Afar Amiir oo caan ah, iyo 16 kale ay muujineyso go’aanka Mohamed Bin Salman oo ah inuu ka takhaluso cid kasta oo uu uga cabsanayo kursigiisa, wuxuuna qaaday tallaabooyin muujinayo kaaligii talisnimo tan iyo markii uu xukunka kala wareegay aabihiis sanadkii 2017.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa dhankiisa qoray in maamulka Sacuudiga ay sii daayeen dhawr Amiir oo ka tirsan kuwii lasoo xiray kadib markii lagu sameeyey baaritaan keenay in lagu waayo dhammaan waxyaabihii lagu tuhumayey.

Wargeyska ayaa dadka lasii daayey sheegay inay kamid yihiin wasiirkii Arrimaha Gudaha Abdulaziz Bin Saud Bin Nayif  iyo aabihiis Saud Bin Nayif.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo sii xiganeysa illo wareedyo Sacuudi ah ayaa sheegtay in Xariga Amiirada oo ay kamid yihiin Ahmed bin Abdulaziz oo la dhashay Boqorka, Dhaxal-sugihii hore Muhammad bin Nayef iyo Nawaf bin Nayef ay digniin culus u tahay dhammaan xubnaha kale ee ka tirsan qoyska Boqortooyada.