Xog: Xasan oo dib u dhigay safarkii Sacuudiga + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu ambabixi lahaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qorshuhu ahaa inay ka qayb-galaan shirka golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka dhacaya Jeddah, kaas oo furmaya 11-ka bishaan September.

Golahaan ayaa waxaa la dhisay 2020-kii, waxaana ku mideysan dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan, sida Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa beddelay qorshihiisa ku wajahnaa Sacuudiga, kadib markii shir madaxeedkaas ay dib u dhigtay dowladda Sacuudiga.

Taas beddelkeed, Xasan Sheekh ayaa 13-ka bishaan ka qeybgeli doona caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddanka Kenya William Ruto.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo dhowaan madaxweynaha dalka Soomaaliya uu booqasho ku tegay Nairobi, halkaas oo uu heshiis kula soo saxiixday madaxweynaha xafiiska baneynaya Uhuru, ayada oo kadib dib loo celiyey qaadka Kenye ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan xulafo la’ah labada dowladood ee Kenya iyo Sacuudi Carabiya oo ka mid ah dowladaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya kii 9-aad ee uu Xasan Sheekh Maxamuud u baxayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, iyadoo la hadal hayo tirada safarada uu galay.