Farmaajo oo wada-hadalkii Kenyatta ku daray shuruud la xiriirta Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heleysa kulankii xalay magaalada New York ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee looga hadlay soo celinta xiriirka labada dal iyo muranka badda.

Kulankaas oo uu soo agaasimay madaxweynaha Masar, Abdifatah Al-Sisi oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa yimid xilli ay Soomaaliya horey uga diiday ururka Midowga Afrika in kiiska badda looga hadlo meel aan ahayn maxkamadda caalamiga ah.

Si kastaba kulanka ayaa lagu soo qaaday arirmaha badda, balse Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweynaha ku adkeystay in labada dal ay kiiska badda u daayaan maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, balse laga heshiiyo arrimaha kale, taasi oo la isku raacay.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in markii kulanka uu furmay, in shuruudda koowaad ee madaxweyne Farmaajo hordhigay Kenyatta ay ahayd in marka hore Kenya ay faraha kala baxdo arrinta Jubaland, islamarkaana meesha ka saarto Axmed Madoobe, kadibna madaxweyne uu u furan yahay inuu wada-hadal ka galo arrinta badda.

Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu ka meer-meeray, islamarkaana Farmaajo u sheegay in kiiska Axmed Madoobe uusan u fududeyn sida la moodo, uuna saameyn xooggan ku leeyahay gudaha dalka Kenya, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan wafdiga la socda madaxweynaha

Waxyaabaha walaaca uu ka muujiyey Kenyatta ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe ay taageerayaan siyaasiyiin awood ku leh siyaasadda Kenya oo ku beel ah, ayna adag tahay inuu qaato go’aan ka dhan ah Axmed Madoobe.

Si kastaba Kenyatta ayaa ogolaaday in guddiga ay isku raaceen labada dal in la dhiso, ay kasoo talo bixiyaan arrintan.

Ma cadda in Farmaajo ogolaan doono inuu wada-xaajood ku dhameeyo muranka badda, haddii Kenyatta ogolaado rabitaankiisa ah in Axmed Madoobe meesha laga saaro, hase yeeshee xubno wafdigiisa ka mid ah oo kulanka fadhiyey ayaa Caasimada Online u sheegeen inay la-yaabeen in madaxweynaha uu kiiska badda ku xiro dagaalka uu kula jiro Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com