Xog: Musharaxiin lagu wado inay isaga haraan tartanka doorashada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada madaxweynaha, ayada oo loo balansan yahay inay dhacdo Axada toddobaadka soo socda ee 15-ka bishaan.

Musharaxiinta ka badan labaatameeyo ayaa u taagan xilka u sareeya dalka, ayada oo maalmaha soo socda ay kala cadaan doonto musharaxiinta dhabta ah ee u tartamaya xilkaas iyo kuwa magaca un ku raadinaya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta qaar ayaa qorsheynaya inay ka haraan tartanka kadib shuruudaha adag ee la hor dhigay musharaxiinta isku soo tagaya xilka madaxweynaha, kuwaasi oo aysan buuxin karin, sidaasina kusoo afjareysa rejadooda musharaxnimo.

Qoddobka ugu culus ee walaaca ku abuuray musharaxiinta qaar ee aysan ka gudbi karin ayaa noqday inay keenaan saxiixa 20 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu reebo xubnaha magaca un ku raadinayey inay yihiin musharaxiin, waxaana durba muuqata inuu reebayo musharaxiin badan, kuwaas oo aan heli karin 20 xildhibaan oo u saxiixa inay taageersan yihiin.

Inkasta oo horey ay u sheegeen in ka badan 40 siyaasi inay yihiin musharaxiin, haddana waxaa la filayaa in liiska kama dambeysta ah uusan ka badan 20-30, sida aan xogta ku helnay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee shalay is diiwaan-geliyey, islamarkaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha, waxaana ku xigsaday sagaal kale, taasi oo tirada guud ka dhigaty 10 murashax inay is-diiwaan geliyeen shalay.

Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna manata tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sabtidii soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan, kaasi oo durtaba u muuqda inuu kala reebay musharaxiinta.