26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

XOG: Puntland oo Hubkii ugu badnaa u daabushay Magaalada Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)– Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Sargaal ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maamulka uu Hub farabadam u daabulay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hubkaasi laga qaaday magaalada Bosaso, isla markaana ay raaceen Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland.

Hubka ayaa lagu shubay Bakhaar ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin furunta Dagaalka gaar ahaan Aaga Maxjarka Xoolaha, waxa uuna ujeedka Hubka yahay in looga hortago duulaanka Ciidamada Galmudug.

Hubka ayaa ka kooban noocyo kala duwan waxaana la sheegayaa inuu u badan yahay rasaasta qoryaha culus iyo kuwa fudud.

Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku gacanseeray joojinta dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo waxaana mar waliba suuragal ah in Dagaalka labada maamul uu noqdo mid joogta ah.

Sidoo kale, Galmudug ayaa habeenimadii xalay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan furumaha Dagaalka geysay ciidamo dheeri ah kuwaasi oo lagu biiriyay kuwii hore.

Jawiga magaalada Gaalkacyo ayaa hadda ah mid degan waxaana jirta cabsi xoogan.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News