Xog: Qodob xasaasi ah oo looga hadlay kulankii Nairobi ee Xasan Sheekh iyo Geelle

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankaas uga wada hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Sida ay ilo xog ogaal ah Caasimada Online u sheegeen Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankooda aad ugu gorfeeyey xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ayaa marxaladihii ugu dambeeyey iyo halka uu hadda xaal marayo uga warbixiyey Madaxweyne Ismaaciil oo xiisadaan si aan ganbasho laheyn ula saftay Soomaaliya, isagoo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD oo Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamo kale ay ku wadajiraan.

Jabuuti ayaa aad u doon-dooneysa inuu guul-dareysto qorshaha Itoobiya ay badda ku raadineyso, markii laga soo tago damiirka Soomaalinimada iyo garabka walaalnimo ee Soomaaliya ay ka hesho Jabuuti, hadii Itoobiya ay hesho marin biyood waxay khasaare dhaqaale oo xoog leh ku tahay Jabuuti.

Malaayiinta Itoobiyaanka ah, maadaama dalkooda uusan laheyn dekedo ama bad, waxay sahaydu u soo martaa dekedaha dalka Jabuuti, halkaas ayaa looga daad-gureeyaa dalka Itoobiya shixnadaha ganacsi, cunnada qutul-daruuriga ah iyo wax kasta oo caalamka ay ka keensanayaan.

Taasi waxay Jabuuti kusii qasbeysaa inay sii adkeyso garab istaageeda Soomaaliya, si Itoobiya ayaan marin-biyood u helin, suuqaas weyna uusan uga xirmin, waxayna muhiim u arkaan in Itoobiya ay sii adeegsato dekedaha Jabuuti.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka mid ah madax badan oo caalamka ka socota oo ka wada qeyb geli doonta shir looga hadlayo isbedelka cimillada adduunka oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.