29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: R/W CC iyo BF Somalia oo maanta kulmaya, maxay ka wada hadlayaan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in maanta ay ku kulmayaan guriga uu dagan yahay gudoomiyaha Barlamanka dowlada Federalka Maxamad Cisman Jawaari, xubno ka tirsan xildhibaanada iyo Ra’isla wasaare Cumar Cabdirashid Sharmaake.

Kulankaan oo ah mid qado ah ayaa looga hadli doonaa sidii loo xalin lahaa caqabadaha hortagan in la ansaxiyo xukuumadii cusub madaama xildhibaano badan diidan yihiin.

Xildhibaanada ka tirsan labada Kutlad oo kulan saacado badan qaatey shalay, ayaa isku raacey in hadii aan wax laga badalin xukuumada ka kooban 20-ka wasiir islamarkaana aan lasoo magacaabin qaybta dhiman ee golaha wasiirada codkooda kalsoonida ah siin doonin.

Guddi kudaldahaan iska soo xuleen oo la kulmey Ra’isal wasaaraha Somalia ayaa waxey islagarteen in ay maanta wadahadal ku yeeshaan aqalka gudoomiyaha Barlamanka.

Xukuumadda cusub ayaa in la ansaxiyo waxaa diidan Barlamanka Somalia qaybo ka tirsan kuwaasoo ku duraya golaha wasiirada ee cusub iney kamid noqdeen shaqsiyaad xiriir dhow la leh urur diimeedyada siyasdeed ee ka jira Muqdishu halka kuwa kale-na horey loogu eedeeyey musuq-maasuq ay xilalkoodii ku waayeen.

Wakiilada dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa qoraal ay shalay soo saareen ku tageerey xukuumada ee cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News