Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Cumar C/rashiid uu digniino u kala diray Golahiisa Wasiirada.
Wararku waxa ay sheegayaan in digniintaasi ay si gaar u saameysay tirro wasiiro ah kuwaasi oo Sharmaarke ku eedeeyay shaqo xumi ka jirto xafiisyadooda.
Digniinada uu Sharmaarke gaarsiiyay Wasiirada qaar ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii Xildhibaano ka tirsan BFS, ay Sharmaarke u direen cabasho ku saleysan in Wasiirada qaar aysan garaneynin la dhaqanka Bulshada iyo inaysan iska xil qaamin mas’uuliyada loo dhiibtay.
Mid kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa inoo xaqiijiyay in Dacwada ay gaarsiiyen Sharmaarke ay ka heleen Jawaab waafi ah, islamarkaana Ra’isul wasaaraha dalka uu warqado Canaan ah u kala diray Wasiirada.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasiirada qaar ay rumeysan yihiin in xilka ay hayaan uu yahay dhaxal uu kaga dhintay aabahood, waxa uuna taasi ku sheegay mid xaaran ah oo aan xiligaani munaasab u aheyn shacabka.
Dhanka kale, carada Sharmaarke uu kala duldhacay wasiirada ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo dhawaan Baarlamaanka dalka uu Su’aalooyin adag weydiyeen Ra’isul wasaaraha, taasi oo soo dadajisay in Sharmaarke uu qaato talada Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

