Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Garoowe ka socda kulamo u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, Maamulka iyo Odayaasha kasoo jeeda Deegaanada maamulka.
Shirarka socda ayaa waxaa markii ugu horeysay isku arkay Sharmaarke iyo Xubno ka tirsan Guddiga wada xaajoodka Puntland, waxa ayna labada dhinac isku mari waayen codsiga la xiriira ka tanaasulida diidmada 4.5.
Sharmaarke ayaa Xubno ka tirsan Guddiga wada xaajoodka Puntland u sheegay in markii laga soo tago Madaxweynaha maamulka uu go’aanku yahay mid xiligaani dhankooda ka go’o, waxa uuna gudiga ka dalbaday in tanaasul laga sameeyo barnaamijka wax ku xulashada deegaanka.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guddiga wada xaajoodka Puntland u soo jeediyey in wakhtiga la haysto uusan ku filnayn in la qaato hab kale oo lagu galo doorashada loo madlan yahay dabayaaqada sanadkaan 2016, islamarkaasina ay lagama maarmaan tahay in nidaamka wax qaybsiga beelaha ee 4.5 mar kale wax lagu wadaago.
Sidoo kale, Ra’isul wasaare Cumar waxa uu tilmaamay in Xukuumadu ay diyaar u tahay in Puntland ay helayso Seddex xubnood oo aqalka sare ah, mashaariic fara badan iyo maqaam gaar ah oo ka duwan sida loola macaamiil tamayo maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.
Ra’isul wasaare Cumar oo ujeedkiisu yahay mid ku qotoma tanaasul ay muujiso Puntland, ayaa waxa uu sidoo kale soo jeediyey in Puntland ay tanaasusho maadaama ay hadda tahay caqabadda kaliya ee hor taagan in dalka ay sanadkaan doorasho ka dhacdo.
Sharmaarke waxa uu Gudiga u sheegay in isaga uu mas’uul ka noqon doono hirgalinta maqaamka lasiin doono Puntland, isaga oo ka digay in Puntland ay sabab u noqoto Fashil ku imaada rajadii laga lahaa Doorashada.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu aad xoogga u saaray in Puntland ay ku qanacdo soo jeedintiisa ayna qaadato nidaamka 4.5, kaas oo horay si wadajir ah shacabka Puntland ay u diideen walina uga soo horjeedaan.
Xubnaha Gudiga ayaa dhankooda ka muujiyay caga jiid waxa ayna Sharmaarke u sheegen in Puntland aysan qiimo gaar u arag in wax lagu soo doorto hab 4.5, balse ay kasoo horjeedo balamaha beenta ah oo ay isticmaasho Dowlada.
Docda kale, Gudiga ayaa lagu wadaa in maanta ay mar kale dib isugu laabtaan, iyaga oo C/wali Gaas ula laaban doona wixii ay kuwada hadleen Sharmaarke.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

