Xog: Sidee DF Somalia ugu guuleysatay inay joojiso dhismaha saldhiggii Berbera?

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ugu dambeyn joojiso qorshihii Imaaraadka Carabta uu saldhig militari uga sameysan lahaa magaalada Berbera, kadib cadaadis xooggan oo caalami ah, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sabtidii si lama filaan ah u shaaciyey in garoonka la qorsheynayey in laga dhiso Berbera, si ay u adeegsadaan diyaaradaha militariga Imaaraadka Carabta loo beddelay mid shacab.

Muuse Biixi ayaa hadalkaas dib uga gurtay axaddii isaga oo sheegay in garoonka ay wadaagi doonaan diyaaradaha militariga iyo shacabka, hase yeeshee Caasimada Online ayaa og in Muuse Biixi isku dayayo inuu dib u saxo hadal uusan ugu talo-gelin oo ka dusay.

Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in cadaadis socday muddo oo safiirka Soomaaliya ee QM Abuu Daahir Cusmaan Abuukar Baalle uu saaray Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn miro-dhalay, kuna qasbay Imaaraadkaa inay isaga baxaan Berbera.

Abuukar Baalle ayaa dacwado xiriir oo joogto ah oo ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyey golaha ammaanka ee QM, isaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudbeyso madax-banaannida Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dacwadii ugu dambeysay ayaa danjiraha wuxuu gudbiyey 4-tii bishan, waxaana Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn go’aansaday 8-dii bishan in la joojiyo dhismihii saldhigga, ayada oo lagu amray dhammaan shaqaalihii iyo mas’uuliyiintii inay halkaas isaga baxaan kuna laabtaan Dubai.

Qaar ka mid ah dalalka waa weyn ee caalamka ayaa la rumeysan yahay inay cadaadiyeen Imaaraadka, oo rajo ka qaba inuu xubin aan joogto ahayn ka noqdo golaha ammaanka sanadda 2021, ayada oo looga digay in xadgudubyada joogtada ah ay taas ka hor-istaagi karaan.

Go’aanka Imaaraadka Carabta uu kaga noqday qorshihiisa saldhigga Berbera ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay is-beddealka ku yimid siyaasaddii Imaaraadka Carabta ee dagaalka Yemen, ayada oo Abu Dhabi ay bilihii dhowaa si tartiib ah uga baxaysay Yemen. Saldhigga Berbera ayaa ujeedadiisa waxaa qeyb ka ah in loo adeegsado in laga weeraro Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com