26.7 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Uganda oo ujeedo yaab leh ka leh SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Musaveni oo khudbad dheer ujeediyay xildhibaanada cusub ee xisbigiisa NRM ayaa ka hadlaya arim badan oo isugu jiray siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha dalka Uganda iyo kan qaarada Afrika.

Madaxwayne Musaveni ayaa khudbadiisi kusoo daray sababta uu ciidamada Uganda ugu diray Soomaaliya,wuxuuna yidhi sidan

Sababta aanu ugalnay Soomaaliya ugana mid noqonay AMISOM waxaa qayb ka ahayd inaanu caawino Ethiopia oo markaas la wiiqayay.

Madaxweyne Musaveni oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay in hogaamiyaha Afrikaanka ahi looga baahan yahay inuu noqdo mid u adeega labada shay ee Afrika ubaahantahay oo ah in la gaadhsiiyo barwaaqoo iyo istaraatijiyad amniyadeed.

Aakhirkii sanadkii 2006 ayay ciidamo aad ufara badan oo Itoobiyaan ah gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka muhiimka ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa muqaawamo xoogan kala kulmay kooxo Islaamiyiin ah oo isbahaystay oo taageeero ka helaya shacabka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dagaaladii dhexmaray ciidamadii Itoobiya iyo kooxihii Soomaaliyeed ayaa wuxuu dhaliyay khasaare aad ubadan oo isugu jiray naf iyo maal iyo barakac.

Raysulwasaarihii Itoobiya ee xiligaas Meles Zenawi oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Addis Ababa ka hor intuusan amar kubixinin in ciidamado kasoo baxaan Soomaaliya ayaa qiray in ciidan badan looga dilay Soomaalia isagoo markaas carab dhabay 500 oo askari.

Sida uu Musaveni khudbadiisa ku qiray ciidamada Uganda waxay Somalia utageen hiilo ay uhiilinayeen ciidamdii Itoobiya ee xiligaas ku cakirnaa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News