Xog: Ujeedka safarka uu R/W Kheyre ugu baxay QATAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu amba baxay magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono.

Wafdiga oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Banggiga Dhexe ee dalka ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasii sagootiyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani iyo Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale inoo sheegay in ujeedka safarka uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo.

Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.