Farmaajo: Muuse Biixi wuu garoowsan yahay in aanay S/Land horey u socon karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June, ayaa ka hadlay wada-hadallada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Farmaajo ayaa tilmaamay in wadahadalladii dhab u heshiisiinta ee ku dhisan qalbi furnaanta, is ogolaanshaha, walaaltinimada iyo daacadnimada ee ka furmay Jabuuti 14-kii bishan ay yihiin wadahadallo miro dhal ah.

“Walaaleheenna Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay fikirkiisa bilowday. Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, mudo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna billaabay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa xaqiiqo ah, halganku in uusan marnaba dhammaan. Midka ina horyaal, waa uu ka duwan yahay kii gobonnimmo doonka. Waase lagama maarmaan inaan midnimo iyo geesinnimo ku wajahno, annaga oo Ilaahay kaashaneyna, si aan u xaqiijinno mustaqbalka jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.”