Xog: Villa SOMALIA oo mar kale xubno badan ku darsatay guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wali Madaxtooyada Soomaaliya ay saameen weyn ku leedahay saddex kamid ah maamul gobaleedyada dalka, kuwaasoo markii horaba taageersanaa Madaxweyne Farmaajo. 

Villa Somalia ayaa la sheegay in ay gacanteeda ku soo magacaawday inta badan xubnaha beddalka ku yimid ee guddiyada heerarka kala duwan ee maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed, iyo HirShabeelle. 

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ilaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya ay farogelin ku heyso maamulka Galmudug oo ah maamulka kaliya ee aan ilaa hadda soo magacaabin guddiyada doorashada kadib heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka dalka. 

Qof xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta aysan Galmudug usoo magacaabin ay tahay culeys weyn oo ka saran dhinaca Villa Somalia, waxaase la filayaa in maalmaha soo aadan ay ku dhawaaqaan guddiyada doorashada ee heerarka kala duwan. 

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dorraad sheegay in taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya uu wali farogelin ku haayo arrimaha guddiyada doorashada Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loogu eedeeyay in dhinaciisa ka yimaadeen inta badan xubnaha maamulka HirShabeelle. 

Mucaaradka Soomaaliya ayaa quus taagan, waxaana dadaalkii ay u galeen in xubnaha ku xiran Villa Somalia hal bacaad lagu lisay ka dhigay u heylanaanta madax goboleedyada qaarkood ee Villa Somalia.

“Haddii guddiyadii hore xubno laga saaray, haddana kuwa lasoo magacaabay haddana ka hor imaadno, oo la beddelo, Villa Somalia mar kale ayay haddana kuwa kale keeni doontaa, marka maxaa xal ah, ileyn arrintan ma dhamaaneyso illaa maamul goboleedyada ay madax-banaani muujiyaan,” ayuu yiri xildhibaan mucaarad ah oo la hadlay Caasimada Online.

Madax goboleedyada taabacsan Villa Somalia ayaa weli ka tanaasulin inay dhageystaan madaxtooyada, taasi oo wiiqday dadaalkii midowga musharaxiinta.