Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi la filayo iney tagaan wafdi ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Sida qorshaha yahay maalinta sabtida ee soo socota ayaa la filayaa in wafdiga ka socda wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Caasimada Online, xogta ay heleyso ayaa sheegaya in wafdigaasi la qorsheynayo inuu hogaamiyo wasiir C/raxmaan Odawaa oo ah wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in wafdigaasi ay ka qeyb galayaan xaflada dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba oo muddooyinkaan ay ka socotay magaalada Kismaayo.
Xogta ayaa intaasi ku dareyso in sidoo kale wafdi kale oo ka socda qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ay ka qeyb gali doonaan xafladaasi ka dhaceyso magaalada Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]