Xog-warran: 5 jahwareer oo ku xeeran magacaabista Tuuryare ee N/Sugidda

Kaddib markii golaha wasiirada ka xayuubiyeen xilka Taliyihii hore ee Nabadsugida 07-dii bishan. Madaxweynaha dowladda federaalka waxay ku qaadatay mudo dhowr todobaad ah inuu aqbalo, taasoo dad badan ay u muuqatay bilowga is qabqabsi siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

Walaacu waxaa sii kordhiyay kadib Madaxweynaha markii uu ka dhega adaygay inuu aqbalo xilka qaadista Sanbalooshe, dhiniciisa Ra’iisal wasaaraha wuxuu tallaabooyin lagula xiiriiraayo hay´adaha dowladda, sida Xeer ilaalinta, Bankiga dhexe iyo dalalka caawiya Nabadsugidda si ay u joojiyaan la shaqaynta Sanbaloolshe taasoo u muuqatay mid hirgashay, dalalka iyo hay’adaha shisheeye waxayba codsadeen in aan lagu degdegin markale magacaabista Taliye cusub.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka soo noqday safarkii Baydhaba ayaa Madaxweynaha kula taliyay inuu aqbalo xilka qaadista Saaxiibkiis, taasoo uu Madaxweynaha kaga jawaabay inuu guddoomiyo shir aan caadi ahayn oo loo qabtay golaha wasiirada kaasoo lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare.

Haddaba maxaa ka dhalan kara magacaabista Tuuryare

1- Saamaynta Madaxweynaha waxaa hor taala caqabad adag oo ku dhisan nidaamka Awood qaybsiga beelaha ah, maadaama Tuuryare ay jufo hoose wada yihiin Xasan Sheekh.

2- Saamaynta Ra’iisul Waraare Abdweli wuxuu u arkaa in afgambi siyaasadeed loo gaystay madaama loo dabamareeyay hay’addihii fulinta oo uu isaga hoggaaminaayay, waxayna u badan tahay inaanu aqbalin magacaabistaan cusub ama uu xilka ka qaado Tuuryare.

3- Col. Tuuryare inkastoo oo uu ka soo shaqeeyay nabadsugida hadana malaha aqoonta Lagu maamuli karo hay,adda Nabadsugidda, mana laha xiriir shaqo meel ka baxsan Xamar, hay´daha ajnabiga iyo dalalka taageera Nabadsugidda iyaga warkoodaba daa.

4- Hay´addaha iyo dalalka taageera nabadsugidda kuma qanacsana sida wax loo maamulay, waxayna horey uga digeen in Lagu degdego magacaabista Taliye cusub, waxaana dhici karta inay joojiyaan taageerada ay siiyaan nabadsugidda oo la’aantood waxba la qaban karin.

5- Saamaynta Sanbaloolshe oo isu diyaarinaayo inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo rajaynaayo in la hoos keeno Nabadsugidda Gobolka Banaadir, taasoo ka dhigaysa inuu si dadban u maamulo Taliye Tuuryare.

Dhamaan qodobadaasi waa kuwo caqabad ku keeni karta siyaasadda dowladda iyo wada shaqey dhex marta Madaxweynaha iyo Ra´iisul Wasaaraha, oo suuragal ka dhigi karta in Baarlamaanka soo faragaliyo khilaafka ku saleysan magacaabista Taliyaha Nabadsugida, waxaase la dhowrayaa soo laabashada Ra´iisul Wasaaraha oo dibada ugu maqan howlo shaqo.