Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolkaasi laga dareemaayo xiisad u dhexeysa laba beel oo halkaasi wada dega.
Xiisada ayaa la sheegayaa in si gaar ah ay uga taagan tahay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne, waxaana lasoo sheegayaa in xaafadaasi ay gudaha usoo galeen maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka kala yimid gudaha iyo Daafaha Magaaladaasi.
Mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan xaafadaasi oo lagu magacaabo Cismaan Max’ud Sharaawi ayaa Idaacada SMN u sheegay in laga cabsi qabo, in halkaaasi uu ka dhaco dagaal dhexmara maleeshiyaadka iska soo horjeeda ee gudaha usoo galay deegaanka.
Cismaan Max’ud Sharaawi, ayaa sheegay in labada maleeshiyo ay gudaha deegaankaasi ka dhex wadaan dhaqdhaqaaqyo ay isku uruursanayaan waxa uuna sheegay in dadka xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ay cabsi ka qabaan in dushooda uu ka dhaco dagaal.
Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in goobihii ganacsiga iyo isku socodkii iyo welib dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka iyo dadweynaha ay hakad galeen.
Maleeshiyaadkaasi ayaa la soo sheegayaa inay ku baxeen Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan maamulka kuwaasi oo ujeedkooda uu yahay inay kala dhex-galaan si uusan halkaasi uga dhicin dagaal.
Dhanka kale, maleeshiyaadka isku hub uruursanaayo, ayaa la sheegayaa in dhowr jeer oo sii horeysay uu dhexmaray dagaal maalmo qaatay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

