Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya in Xildhibaanada BFS ay ka hor imaaden Codsi uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu u faray Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Codsiga ay ka hor imaaden Xildhibaanada ayaa ah in Xassan Sheekh uu wakhti la kulan ah ka dalbaday Xildhibaanada ugu miisaanka culus, kuwaasi oo Jawaari ka diiday inay hor fadhiistaan Xassan Sheekh.
Madaxweyne Xassan ayaa isaga kulankaasi ku doonaaya inuu ku codsado in Xildhibaanada iminka jira ay u ololeeyaan in dib u dhac lagu sameeyo Doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.
Xildhibaanada oo taa ka careysan ayaa Jawaari u faray in marnaba aysan la kulmi doonin Xassan Sheekh, iyaga oo sabab uga dhigay fashilka Siyaasadeed ee iminka heysta Xassan.
Xassan Sheekh ayaan wali ka khuusan la kulanka Xildhibaanada waxa uuna iminka isku dayayaa inuu usoo maro dhinacyo kale si uu u kala jabsho Xildhibaanada.
Ma cadda halka ay ku biyo shuban doonto rajadda Xassan Sheekh inkastoo xaaladu ay u muuqato mid kusii siqeysa Fashil.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

