25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir oo lagu dhawaaqayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqidsho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo kala duwan ayaa u xaqiijiyay Shakabada Caasimada Online, in maalinta berri ah lagu dhawaaqi doono guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir.

Ilaha warkan aan ka soo xiganay ayaa leh waxaa loo badinayaa in uu noqdo duqa Muqdisho Guddoomiyihii maxkamada ciidanka qalabka sida Gen Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen Mungaab
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen Mungaab

Waxaa jirta warar badan oo suuqa ku jirra oo ah in la kala qaadi rabay labada xil ee ah guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, balse qabiilka uu ka soo jeedo Mungaab ayaa diidday oo waxa ay dhaheen haddii la kala qaadayo ma rabno, waxaaan taas ay keentay in madaxweynaha uu ka laabto go’aanka uu markii horre rabay.

Tarsan intii uu xafiiska hayay wuxuu ahaa guddoomiyaha ugu wax qabadka fiicnaa kuwii soo maray gobalka Banaadir tan iyo burburkii kaddib, balse dad badan ayaa aaminsan in uu u hadlo sidda madaxweyne oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

C[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News