Sawirro: Xogta shir xasaasi ah oo u dhaxeeya DF, IMF iyo Bankiga Adduunka oo furmay

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ka qeyb-galaya shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Bankinga Adduunka oo ka qabsoomi doona Washington, kaasi oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Kahor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga wasiirka Maaliyadda waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah agaasimaha sare ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka mira-dhalinta hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.