Xogta xaaladda qofkii ugu horreeyey ee Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Shariif Maxamed Maxamuud ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee gudaha dalka ugu geeriyooday cudurka Coronavirus, kaas oo shalay gabal dhicii ku dhintay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa intii uu xanuunsanaa waxa uu mudo sagaal cisho ah ku jiray isbitaalka Aadan Cadde ee Muqdisho, ka hor inta aan loo wareejin isbitaalka Martiini oo markii dambe lagu karaantiilay, kadib markii la ogaaday in uu qabo Coronavirus.

Dr. Maxamuud Zaahid Maxamuud oo ah agaasimaha caafimaadka ee isbitalka Aadan Cadde oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in mudadaas sagaalka cisho ah ee uu marxuumku yaalay isbitaalkooda aysan ku baraarugin in uu qabo cudurkaas, maadaama aysan heysan qalabka lagu ogaado.

“Isbitaalka ayuu yimid isagoo ka sheeganaya neefta oo qabaneysa, waan baarnay mana aanaa ogeyn in uu qabo cudurkan, waxaan aragnay in ogsajiinkiisu dhacsan yahay, isbitaalkeenuna malahan wershadii ogsajiinka, waxaan la xariirnay isbitaalo kale oo waaweyn, waxay noo sheegeen in aysan qaba karin sababo la xariira ciriiri iyo bukaanada oo ku badan, intaas kadib waxaan qaadanay mas’uuliyad ah in aan la tacaalno odaga, qol gaar ah ayaan siinay” ayuu yiri Dr. Maxamuud.

Digtoorka ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan isbitaalo kale oo lasoo marsiiyey bukaankaas, kadibna iyaga loo soo celiyey, iyaguna markii dambe ay dhecaankiisa u gudbiyeen hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO si loo soo baaro, maadaama markii dambe uu galay shaki la xariira cudurkaas.

Sidoo kale Dr. Maxamuud ayaa sheegay in markii hore aysan cudurkaas uga shakin bukaankaas, maadaama uu ka sheeganayey shil gaari oo uu horay u galay, kaas oo wax kasoo gaarsiiyey feeraha, sidoo kalena uu u sheegay in aysan jirin wax xiriirro ah oo ku saabsan dalka dibadiisa.

Waxa uu sheegay dhakhtarku in bukaanku uusan laheyn wax qandho ah, isla markaana jawaabta baaritaankiisa ay kasoo daahday, taas oo uu sheegay in ay u timid habeen ka hor, markii ay cadaatay in uu qabo cudurkaasna waxa uu sheegay in ay qaadeen tallaabooyinkii ugu haboonaa oo ay geeyeen xarunta karaantiilka ee isbitaal Martiini.

Hoos ka dhageyso wareysiga oo cod ah