Xuduudaha Soomaaliya ay Kenya iyo Itoobiya kala wadaagto Gedo oo la xiray

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay la xiray xuduudaha Gobolka Gedo uu la wadaago dalalka Itoobiya iyo Kenya, sababo la xiriira baqdinta ka dhalatay faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Kusimaha Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa ku dhawaaqay in ay xireen xuduudahaasi, si aynaan dadka uga soo gudbin.

Waxaa uu sheegay inay amar ku bixiyeen in xuduuda Gobolka Gedo uu Kenya kala wadaago Degmooyinka Beled Xaawo iyo Ceelwaaq la xiro.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhanka Itoobiya ay ka xireen xuduuda Degmada Doolow ay la wadaagto Doolow Itoobiya, sida uu yiri.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu sheegay in ay fulinayan amarkii hore uga soo baxay Dowladda Federaalka, ee la xiriiray hakadkii la geliyay safarada dadka ka imaanaya dibadda.