Soomaalida u geeriyootay COVID-19 oo korortey iyo wararkii ugu dambeeyey

Helsinki (Caasimadda Online) – Tirada dadka Soomaaliyeed ee u dhimanaya xanuunka COVID-19 ayaa sii kordhaysa, iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay ilaa sadex qof u geeriyoodeen cudurka.

Shalay, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday oday 58 sano jir ah oo la oran jirey Shariif Maxamed, kaas oo noqday qofkii ugu horeeyay oo xanuunkaas ugu geeriyooday gudaha dalka.

Dalka Finland waxaa ku geeriyooday Sheekh Wacdi Aw-Aadan. Waxaa uu ahaa Sheekh weyn oo aad loogu yaqaanno fidinta diinta iyo heshiisiinta Soomaalida ku nool dalalka Yurub gaar ahaan Finland.

Xalay ayuu cudurka COVID-19 ugu geeriyooday dalkaas, jaaliyadda dalka Finland ku dhaqan ayaa si weyn ugu murugooday geerida Sheekhaas, Allah u naxariistee.

Dalalka UK iyo Sweden ayaa ah labada dal oo ay ku dhinteen Soomaalida ugu badan oo xanuunka safmareenka ah uu haleeley.

Dhaka kale Kiisaska Xanuunka Covid-19 ayaa hada gaaray 1.5 millyan adduunka oo dhan guud ahaan iyadoo Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ay ku dhintaan tirada ugu badan ee dhimashada hal maalin tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

Laakiin dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Koofurta iyo New Zealand, waxaa jira caddeyn muujineysa in bandowga, tijaabada, la socoshada iyo karantiilista bulshada ay gacan ka geysan karto yareynta faafitaanka viruska.

Xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins University waxa ay muujineysaa in 1.5 milyan oo qof oo qaba COVID-19, ku dhawaad 330,000 ayaa ka soo kabsaday. In kabadan 88,500 oo qof ayaa ku dhintey iyadoo Mareykanku warbixintiisa ku sheegay 1,850 dhimasho Arbacadii, iyo Boqortooyada Ingiriiska, 938 waana tiradii ugu badneed oo hal maalin tan iyo markii cudurku ka dilaacay Shiinaha dabayaaqadii sanadkii 20-kii.