‘Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo dagaal adag kula jirta xisbiga Waddani’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka cawday in Xukuumaddu Muuse Biixi ay dagaal kula jirto, isla-markaana ay ula dhaqanto sidii Cadowga oo kale.

Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cali Axmed Cantar oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka hadlay eedaymo uga yimid Taliska Ciidammada Milletariga iyo Xil ka qaadis lagu sameeyay Hoggaanka Ciidammada Qaranka, ka dib markii uu Xisbigaasi siiyey Warqad u fasaxeysa inay Saylac ka soo qaataan Dirays Dalka dibeddiisa looga keenay ilaalada Guddoomiye Cirro.

Cali Cantar oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa waxa uu yiri “Maalin dhaweyd gaadhi uu leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo ay saaran yihiin ilaaladiisu ayaa inta Magaalada dhexdeeda laga jiitay, iyadoo ay weliba saaran-yihiin 14 Diraysa oo ahaa Dirayskii Ilaalada Guddoomiyaha Xisbiga. Waxaana la eryey Hoggaankii Milletariga ee na-siiyey Warqadda, wixii lagu eryey iyagaa garanaya, waxaad mooddaa in dagaal la nagula jiro aanaan garanayn”

Waxa uu intaas kusii daray Cantar “Afhayeen u hadlay Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Annaga nala hadlay oo noo jawaabayey, arrintaasi waa nasiib-darro iyo wax aad iyo aad loola yaabo in Nin Ciidankii Qaranka ah inuu annaga Afhayeen ahaan noogu jawaabo, Annagu Cadow ma nihin, waanu yaabnay oo waxaanu nidhi goormaad noqoteen dagaal oogayaal”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com