Yaa ka dambeeyey warqada laga faafiyey R/W Rooble, maxaase ku qoran? – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey waraaq been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, xilli ay sare usii kacday xiisadda ka dhaxeysa isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Warqadda ayaa muujineysa in Ra’isul Wasaare Rooble ku dalbaday lacag ku jirta qasnadda dowladda.

Warqaddan ayaa ku socota Bankiga Dhexe, iyadoo Ra’iisal wasaare Rooble ku dalbanayo in lagu soo wareejiyo lacagtii Imaaraadka Carabta ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho April 2018, taasoo gaareysa 9.6 milyan oo dollar, welina ku xayiran Bankiga Dhexe.

Warqaddan ayaa waxaa si degdeg ah ah u beeniyey oo been abuur ku tilmaamay afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Maxamed Ibrahim Macalimuu, wuxuuna war uu soo saaray ku yiri: “Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh”.

Warqaddan ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ku tilmaamay inay muujineyso in Villa Somalia ay kusoo ururtay kaliya inay sameyso been abuur.

“Halkaan ayay naf ka dooneen CBB-dii shaqa la’aanta la dhigay! Warqadddani kama duwana kuwii maalmihii dhoweyd xafiiska Villada ka soo baxayey,” ayu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia waxay u xaqiijiyeen Caasimadda Online, madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dambeysay faafinta waraaqdaan been abuurka ah si loo sumcad xumeeyo Rooble oo hadda u muuqda inuu haysto inta badan taageerada shacabka Soomaaliyeed, taasoo ka dhalatay sida uu uga falceliyey kiiska Ikraan Tahliil Warsame.

Halkaan hoose ka arag waraaqda been abuurka ah ee laga sameeyey Rooble