30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Yaa lagu doortay Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maanta doorasho ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Gobolka Baay.

Doorashadaani ayaa waxaa ku loolamaayay xubno dhowr ah, waxaana ku haray qaar kamid ah xubnahaasi uu loolanka u dhexeeyay.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo helay 49 dhibcood, kadib markii uu ka guuleystay Maxamed Shuute Xuseen oo la tartamayay, waxaana khasaartay Labo cod.

Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.

Maalinta beri ah ayaa sidoo kale lagu wadaa inay sii socto Doorashada oo wali ah qabyo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News