32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

FADEEXAD: Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo loo diiday inay galaan safaarada Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu kusoo waramaayo mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Safaarada Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Safiirka Imaaraadka Carabta Maxamed Axmed Osman Alxamadi uu soo saaray amar ah inaan Madaxweynaha Somalia iyo dhammaan Madaxda kale ee Dowlada aysan booqasho ku imaankarin Safaarada.

Sargaalkaani ayaa sheegay in amarkaasi uu soo baxay kadib markii Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu dalbaday inuu booqasho ku imaado Safaarada xili uu halkaasi ka maqnaa Safiir Maxamed Axmed.

Sargaalkaani Soomaaliga ah ee ka howlgala Safaarada ayaa xaqiijiyay in Safiirka uu amar kusiiyay Taliyaha ilaalada Safaarada inaan lasoo deynkarin xitaa Madxaweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Safiirka ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu mamnuucay in Safaarada ay booqasho ku imaadan Madaxda Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Mas’uuliyiin hordhac u ahaa Madaxweyne Xassan laga celiyay Safaarada, iyadoo la tixraacayo amarka kasoo baxay Safiirka.

Amarka lagu cadaadinaayo Madaxweyne Xassan iyo Mas’uuliyiinta isaga taabacsan ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowlada Imaaraadka ayaa kasoo horjeeda in Madaxweyne Xassan uu mar kale kusoo laabto Madaxtinimada Somalia.

Tani waxa ay qeyb ka noqoneysa dagaalka ay Dowlada Imaaraadka Carabta kula jirto Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News