25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

XOG: Shariif Xassan oo Hanjabaad kulul u jeediyay Xildhibaanada taagersan Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Hanjabaadani ayaa timid kadib markii Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia uu kulan khaas ah la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka kasoo galay Maamulkiisa.

Mid kamid ah Xildhibaanada cusub ee uu la kulmay Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa inoo xaqiijiyay inay Hanjabaad kulul ay kala kulmeen Shariif.

Xildhibaankaani ka gaabsaday in Magaciisa loo isticmaalo warbaahinta ayaa sheegay in Shariif Xassan uu ku goodiyay in Xildhibaanada cusub uu ka qaadi doono tallaabo haddii ay dhacdo in Doorashada ay u codeeyaan misna codkooda ka iibsadaan Xassan Sheekh.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Shariif Xassan uu ku talliyay in isaga ay u codeeyan isla markaana ka qaatan dhaqaalaha ay ka raadin lahaayen Xassan Sheekh oo doonaaya inuu isticmaalo dhaqaale.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu intaa raaciyay inay adag tahay in mar kale uu soo laabto Xassan Sheekh, waxa uuna Shariif Xassan digniin kasoo saaray suuragalnimada Heshiis dhexmaraa Xassan Sheekh iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed uga mid noqoday BFS.

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanka sheegay in kulanka Shariif Xassan ay markii hore umaleynayeen in lagala hadlaayo arrimo kale, balse ay wakhti danbe ka carooden Hanjabaada Shariif Xassan.

Hanjabaada Shariif Xassan ayaa imaaneysa xili ay sii kordheyso Siyaasad xumida labada mas’uul ka dhexeysa.

Caasimada Online

Xafiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News