Yaasiin Farey: Weli qoriga waan wataa oo ma aan dhigin

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha KMG ah ee hey’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey oo maalin ka hor lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay wax qabadka u qorsheysan, maadaama uu ku guuleystay inuu noqdo xubin ka tirsan golaha shacabka.

Yaasiin Farey ayaa sheegay in hadii uu xildhibaan noqday uusan weli qorigii dhigin, isla markaana uu xoogga saari doono sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay degto cidda uu ku metelo golaha shacabka ee bariga gobolka Galgaduud.

“Cadawgu waxuu u baahan yahay in la soo saaro sharciyad lagu dagaalamo, kaas ayaan rabaa inaan dhankiisa dagaalka u weeciyo, welina qorigii waan wataa oo ma aanan dhigin,” ayuu yiri Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Sidoo kale Taliye  Yaasiin Farey ayaa u mahad celiyey ergadii dooratay, isagoo sheegay waxyaabaha laga faafiyo aysan waxaba ka jirin, inkastoo uusan sii faahfaahin waxyaabahaas.

Hadalkaan ayuu ka jeediyey kulan ka dhacay Dhuusamareeb oo lagu soo dhaqeynayey doorashadiisa, kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo dowlada federaalka.

Yaasiin Farey ayaa ka mid ah saraakiisha hey’adda NISA ee uu dul hoganayo tuhunka khaarajintii Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsanaa NISA oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay.