Yuusuf Garaad ” Gaas waxaa waajib ku ah inuu fasiraad ka bixiyo wuxuu ula jeedo Muqdisho ma ahan Soomaaliya.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Debadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas u sheegay in looga baahan yahay inuu fasiraad lagu qanci karo ka bixiyo hadalkii uu dhawaan sheegay ee ahaxa “Muqdisho ma ahan Soomaaliya”.

Yuusuf Garaad oo Bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa marka hore yiri:

“Ra’iisal Wasaaraheennii hore, Madaxweynaha Puntland, Dr. Cabdiweli Gaas, waa runtii Soomaaliya ma ahan Muqdisho [ oo keliya]”.

Wuxuu intaas kusii daray

” Laakiin fasiraad lagu qanci karo ayaa ku waajibtay in uu ka bixiyo waxa uu ula jeedo Muqdisho ma ahan Soomaaliya.”

” Haddii ay sidu hafyo ahayd, Dr. Gaas waxaa la gudboon in uu taa sheego, oo shacabka Soomaaliyeed uu raalli gelin ka siiyo weedhaas, Ma ila qabtaa ra’yigaas?”

Cabdiweli Gaas oo dhawaan khudbad ka jeedinayey dalka Imaaraadka carabta ayaa sheegay inaysan Muqdisho matalin dalka oo dhan isla markaasna ay Puntland dowladaha shisheeyey la geli karto heshiis kasta.

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com