Maxaa ka soo baxay kulankii Erdogan ee Sacuudiga iyo Kuwait?

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip  Erdogan iyo amiirka Kuwait  Sheikh Sabaax Al-Axmed Al-Jaabir ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo waxyaabaha ka soo cusboonaaday gobolka Khaliijka.

Wakaaladda wararka ee Kuwait  ayaa sheegtay in labada mas’uul  ay soo bandhigeen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Kuwait iyo sidii loo horumarin adeegyada ay labada shacab ay dan ugu jirto.

Socdaalka madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa ku wehliya  qaar ka tirsan wasiirada dowladdiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka ganacsiga.

Erdogan ayaa shalay gaaray dalka Kuwait taasi oo ka mid ah booqasho uu todobaadkaan uu ku mari doono Khaliijka si loo xaliyo arrimaha ka taagan gobolka.

Madaxweynaha Turkiga oo axaddii booqasho labo maalmood uga bilaabatay dalalka Sacuudiga, Kuwait iyo Qatar, ay  waxaa uu ugu horreyn tagay Sacuudiga isaga oo Jidah kula kulmay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Caziz, Laba nin waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, xiisadda Sacuudiga iyo Qatar iyo arrimaha argigixisada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com