121 qof oo lagu helay ku lug lahaanshaha qorshe lagu afgambin lahaa Erdogan

Ankara (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xiriirinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda.

Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in.

Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xarig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe.

Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb militariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan.

Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay.

Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xarig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan.

Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso.

Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”.

Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.”

Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay.

Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga.

Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan.