15 qof oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla dalka Nigeria

Zamfara (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa ugu yaraan 15 qof ku dilay masjid ku yaalla waqooyi-galbeed ee gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka Sabtidii.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Bukkuyum ee dowlad deegaanka Bukkuyum ayaa la fuliyey Salaadii Jimcaha xilli lagu jiray masjidka Jimcaha ee magaalada Ruwan Jema, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen 3 ka mid ah dadka deegaanka.

“Kooxaha hubeysan ayaa ku yimid mootooyin iyagoo haysta qoryahooda, waxayna si toos ah ugu dhaqaaqeen masjidka, waxayna billaabeen inay si teel-teel ah nagu toogtaan,” ayuu yiri Amimu Mustapha oo ka mid ah dadka deegaanka.

Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 2-dii duhurnimo, isagoo intaa ku daray inay jiraan dad kale oo badan oo dhaawacmay.

Afhayeen u hadlay booliiska gobolka Zamfara ayaan isla markiiba ka jawaabin wicitaanno ama farriimo qoraal ah oo lagu doonayay in lagu xaqiijiyo warbixinnada dadka deegaanka.

Kooxo burcad ah oo si aad ah u hubeysan, ayaa xasuuq ba’an ka geystay waqooyiga-galbeed ee Nigeria labadii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan, dilayna boqolaal, kana dhigay meel ka caagan safarrada.

Bishii Ogosto, dadka deegaanka Ruwan Jema ayaa sheegay inay burcadda siiyeen 9 milyan oo naira ($21,000), shidaal iyo sigaar, iyadoo ballan-qaaday inay faraha ka qaad doonaan.

REUTERS + VOA