Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay qarax lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan.
Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradah waxaa la sheegay geestay khasaaro balse si weyn looma ogga.
Qaraxa oo si weyn looga maqlay magaalada dhan, ayaa la sheegay goobta uu ka dhacay in ay isku gadaameen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba.
Ma cadda khasaaraha soo gaaray ciidamada la weeraray balse goobjoogayaasha waxa ay lee yihiin waxaan aragnay mid ka mid kolanyada AMISOM oo burbur uu soo gaaray.
Qaraxa kaddib ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah waxa ay fureen rasaas taasoo haleeshay dad goobta ka agdhawaa.