KASHIFAAD: Khilaafka 2 gabdhood oo bur-bur ku wada dowladda Xasan Sh.

Inta aanan u galin Burburka Dowladda Xasan Sheikh iyo meesha hada xaalku marayo, waxan rabaa inaan gadaal u laabto oo idin xasuusiyo Qoraaladeenii hore ee aan ku sheegnay Khilaafkii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Saacid.

Khilaafkaas oo ka bilowday is-fahanwaa dhex maray Labada Gabdhood ee Saaxiibada ahaan jiray Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo Wasiirad Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan.

Caasho Xaaji ayaa Madaxda Dowladda u keentay inay ka dhigaan Wasiirka Arimaha Dibadda Saaxiibteed Fowsiyo Yusuf, taasoo si fudud ay ku aqbaleen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Madaxweyne Xasan Shiikh iyagoo ka fiiriyay dhowr waji, sida inay kasoo jeedo beelaha Waqooyi, iyo in wadamada Reer Galbeedku ay ku farxi doonaan in haweeney looga dhiibay wadan Islaam ah Jago sidas u weyn.

Sidii la filayay Fowsiyo magacaabisteeda waxay noqotay mid bulaasha, waxayna ku soo aaday waqti beesha Caalamku ay go’aansatay in Soomaaliya la aqoonsado.

Siyaasadda Arimaha Dibadda Soomaaliya waxay noqotay waxqabadka ugu wanaagsan ee ay ku faanto Dowladda Soomaaliya, magacii Fowsiyana cirka ayuu isku shareeray, hadaba, qof bilaabayba Labadii gabdhood waa is-qoonsadeen waana is Khilaafeen.

Ra’isal Wasaare “Saacid” oo si fiican uga talo qaata Marwadiisa Caasho Xaaji wuxu bilaabay in mar walba oo ay Wasiirad Fowsiya la tashato ama usoo bandhigto qorshe-howleedkeeda uu yiraahdo “Saaxiibtaa Caasho mala soo tashatay?! – Ama ma usoo sheegtay arinkaan?!” – Taasoo ka cereysiisay Fowsiyo Yusuf, oo kadibna u dacwootay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, halkii uu dhexdhexaadin lahaa, madaxweyne Xasan wuxu u sheegay wasiirad Fowsiyo inay hada ka dib isaga kala tashato howl-maalmeed keeda, ayna iska deyso dhinaca Ra’isal Wasaare Saacid iyo Marwadiisa.

Casha vs FowsiyaSi wanaagsan ayay iskula jaan-qaadeen Madaxweyne Xasan iyo Wasiirad Fowsiyo, safaro badan ayayna dibada u wada aadeen labadoodu. Xanaaqii iyo murugadii waxay ku wareegtay dhankii Xildhibaan Caasho iyo Ra’isal Wasaare Saacid oo u adkeysan waayay in Wasiirad Fowsiyo ay gacantooda ka baxday, kana talo qaadato Madaxweyne Xasan Shiikh.

“Meeshaas waxaa la dhihi karaa Madaxweynaha wuxuu la wareegay Shaqadii Raisul Wasaaraha, Raisul Wasaarahana ma laheyn Awood uu ku difaacdo Xafiiskiisa” Ayuu yiri Sarkaal lasoo shaqeeyay Madaxweynaha iyo Raisul Wasaare Saacid, oo aan Arintaan kala hadalnay.

Sida aan Qoraaladeenii bishii hore ku sheegnay Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi waxay kulamo la qaadatay Xildhibaanada beelaha Isaaq oo ay u bandhigtay sida Wasiiradii ay iyadu keentay ay ugu abaal-guday iyada iyo seygeeda Ra’isal Wasaare Saacid. Kulamadaas wax natiijo ahi kama soo bixin, Wasiirad Fowsiyana waxay dhagaha ka fureysatay Ra’isal Wasaare Saacid iyo Xil. Caasho, taasoo gaartay heer aysan Fowsiyo kasoo qeyb galin Shirarka Golaha Wasiirada oo Khamiis walba lagu qaban jiray xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

Marka ay talo faraha ka baxday, ayna adkeysan waayeen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Marwo Caasho Xaaji Cilmi, waxay go’aan ku gaareen inay isku-shaandheyn ku sameeyaan Golaha Wasiirada kana reebaan Marwo Fowsiyo Yusuf X. Adan iyo saaxiibada kale ee Madaxweyne Xasan Shiikh, waana talaabadii ay ka dhalatay in xilka laga qaado Ra’isal Wasaare Saacid.

“Aan ka Aarsano” miyee gaartay?

Waatan Soomaalidu ku maahmaado “Rag ciil, cadaab buu ka doortay” – Mudane Saacid iyo Marwo Caasho, wali ma sabrin, waxayna go’aansadeen inay la haraan Marwo Fowsiyo Yusuf Xaji Adan oo ay marto wadadii la marsiiyay Ra’isal Wasaare Saacid.

Nasiibwanaag waxa usoo gacan gashay fursad qaali ah, waxaana Ra’isal Wasaare cusub laga dhigay Nin ay qaraabo iyo Saaxiibo dhow yihiin Saacid, oo ah C/wali Shiikh Axmed. Labadan mas’uul ayaa Saaxiibo ahaa mudo ka badan 40 Sanno waxayna waxbarashadooda ku wada dhameysteen Jaamacadii Umadda, kadibna waxay shaqooyin sarsare ka heleen dowladii adeerkood Max’ed Siyaad Barre.

Waxaa laga dhaadhiciyay Ra’isal Wasaare Cabdiwali inuu ka reebo Wasiiradiisa Marwo Fowsiyo Yusuf, wuxuuse kula taliyay in marka hore ay cod aqlabiyad ah ka keenaan xubnaha Xildhibaanada beelaha Isaaq ugu jira Baarlamaanka.

Marwo Caasho Xaaji ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadaas, waxayna casumaad u sameysay dhamaan Xildhibaanadii beelaha Isaaq, halkaasoo ay ugu qeybisay qofkiiba $3.000 (Saddex Kun oo Dollar), sida ay xaqiijiyeen Xildhibaanno, wuxu Ra’isal Wasaare C/wali Sh. Axmed ugu badalay booskii Fowsiyo Nin lagu magacaabo Yusuf Ibraahim Kaahin.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ayaa arinkaas diidmo ka muujiyay, waxaana baaritaan dheer kadib Maalintii Shalay aheyd la ogaaday Qorshaha ay iska kaashadeen Ra’isal Waraayaal Saacid, C/wali iyo Xil. Caasho Xaaji.

Waxa nasoo gaaray in Xildhibaanadii Beelaha Isaaq ay kulan raali galin ah la qaateen Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan kana cudurdaarteen talaabada ay qaadeen. Kulankaana wuxu hub cusub u noqday Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dagaal kula jira Ra’isal Wasaaraha cusub ee aan wali shaqo-bilaabin, waxayna kulamo hoose ka leeyihiin sidii dib loogu soo celin lahaa Marwo Fowsiyo Yusuf X. Aadan.

Madaxweyne Xasan Sh. oo ku Socda Wadadii C/llahi Yusuf (AUN)

Laakin gaashaan-buurta kasoo horjeeda Madaxweyne Xasan Shiikh iyo saaxibadiis ee ay hogaaminayaan Ra’isal Wasaare C/wali, Saacid iyo Caasho Xaaji waxay soo dhaqaajiyeen Moshin cusub oo ay baarlamaanka ku horkeenayaan qorshe lagu diidayo in Wasiirada cusub lagu soo daro Wasiiradii hore ee dowladii Ra’isal Wasaare Saacid, inkasta oo uu fashilmay.

Qorshahaan oo aan la ogeyn sida uu u hirgali karo ama sharciyad uu u leeyahay ayaa wuxuu cadeyn u yahay burbur iyo kala tag ay wajiga saartay dowladii loo han-weynaa, waxaana muuqata in Madaxweyne Xasan Shiikh uu durbadiiba ka shalaayay magacaabista Ra’isal Wasaare C/wali Sh. Axmed.

Dadka u kuurgala Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku socdo wadadii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo inta uu iska ceyriyay Ra’isal Wasaare daacad u ah (Cali Maxamed Geedi) keensaday Ra’isal Wasaarihii kursiga ka tuuray (Nuur Xasan Xuseen Cadde).

Sida Arimuhu u socdaan iyo talaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh waxay ka turjumeysaa Khibrad yaridiisa Siyaasadeed iyo Latalin-tiisa liidata oo uu ku aaminay Dhalinyaro ku cusub Saaxada Siyaasadda Soomaaliya oo ay markii ugu horeysay kusoo biireen muddo Sannad aan ka badneyn.

Isha: Kyedmedia