Dhuusa-Mareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee ka taliya gobalada Dhexe ee Somalia ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan ay go’aan ka qaadan doonaan wada shaqeynta ay la lee yihiin DF Somalia hadii ay xaalada sidaan ku sii socota.
Gudoomiyaha sadaxda gole ee maamulka Ahlu Sunna Shiikh Ibraahin Guureeye ayaa waxa uu sheegay in DF Somalia marnaba aysan kala tashan Wasiiradii lasoo magacaabay sidaas darteed ay ka fiirsanayaan.
Shiikh Ibraahin Guureeye ayaa sheegay in iyaga ay yihiin maamul ka mid ah DF Somalia sidaas darteed loo baahan yahay in lala tashto ka dibna ay xubno ka helaan wasiiradaas.
Dhanka kale Shiikh Ibraahin Guureeye ayaa sheegay in hadii ay xaalada sidaan ku sii socoto ay gabi ahan xiriirka u jari doonaan DF Somalia isla markaan ay iyaga maamul gooni ah sameysan doono.
Ugu danbeyntii Shiikh Ibraahin Guureeye ayaa sheegay in gabi ahaan ay go’aan buuxda ay dhawaan qaadan doonaan iyaga oo hada ku jira wadatashi ku aadan waxa laga yeelaayo xaalada hada taagan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com