Xog: Goormee ayaa wasiirada cusub la horgeyn doonaa Baarlamaanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aynu ka helnay qaar ka tirsan xubnaha Wasiirada DF Somalia ayaa waxa sheegen in Maalinta birito ah lagu wado in Baarlamaanka Somalia la horkeeyo si loo ansixiyo ama loo diido.

R/wasaare C/wali Sheekh Axmed oo dhawaan ku dhawaaqay xubnaha golahiisa Wasiirada ayaa waxaa lays weydiinayay xiliga la horgeyn doono Baarlamaanka Somalia si ay codka kalsoonida u weydiistaan.

Xubanaha Waiirada , Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha uu soo magacaabay RW ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa ilaa iyo 55–xubnood sidaas darteed ayaa waxaa jira Xildhibaano badan oo ka horjeeda.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa waxa maalmahaan ka wadeen magaalada Muqdisho shirar ay ku doonayaan in codka loogu diido xubnahaan tirada badan ee Wasiirada.

Si kastaba Maalinta Birito ah ayay u badan tahay in Baarlamaanka Somalia la horgeeyo Wasiiradaan iyadoo ay ka buuxaan xubno ka tirsan Xildhibaanada DF Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com