“Villa Somalia, ayaa laga soo abaabulay khilaafka iyo dhibaatada jirta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Somalia C/laahi Sheikh Xasan oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka taagan ee Baydhabo ay yihiin kuwa laga soo maleegayo Madaxtooyada Somalia.

Waxa uu tilmaamay in dhawaan safarkii uu Madaxweynaha ku tagay Baydhabo uu ahaa mid lagu doonayo in qalalaasaha siyaasadeed lagu sii huriyo, oo dhibka uu sii bato.

‘’Madaxweynuhu Markii uu tagay Baydhabo waxa uu la kala kulmay maamulada Seddexda gobol iyo lixda gobol kuwaas oo uu midba midka kale u sheegay in maamulkooda ay dowladu aqoonsan tahay ,taasna waxay keeneysaa in halkaas isku dhacyo ay ka bilowdaan’’ sidaas waxaa yiri Guddoomiye C/llaahi Sheekh Xasan

Warkaan kasoo baxay Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Somalia C/laahi Sheikh Xasan ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia weli aysan xal rasmi ah ka gaarin siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan Magaalada Baydhabo.

Si kastaba, dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dhex dhexaadin doonto dhinacyada isku haya magaalada Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com